Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Wefti Shalay La Shiray Madaxda Puntland

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti ay hoggaaminayso Safiirka Dawladda Jarmalka u fadhida Dalka Kenya.

War-saxaafadeed laga soo saaray Kulanka Madaxweynaha iyo Safiirka dhex maray oo soo gaadhay Telefiishanka Horn Cable Tv ayaa isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti  ka socda dalka Jarmalka oo ay hoggaaminayso safiirka waddanka Jarmalka u fadhida Kenya Ambassador  Annett Günther, isla-mrkaana uu wehelinayo ku-xigeenkeedu, Mr. Markus Bollmohr.

Kulankan uu Madaxweynuhu la yeeshay weftiga ka socda dalka Jarmalkaa oo ay ku wehelinayeen wasiirrada arrrimaha dibadda iyo iskaashiga  caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa diiradda lagu saaray arrimo badan oo salka ku haya xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jarmalka ka dhexeeya.

Waxyaabaha kale ee kulankan lagaga hadlay, ayaa waxa kamid ahaa dardargelinta iyo kordhinta deeqaha uu jarmalku siiyo Somaliland, ka midho dhalinta mashaariicda horumarineed ee dawladda Jarmalku ka waddo gudaha Jamhuuriyadda  Somaliland ee ay kamidka yihiin waddooyinka iyo Biyuhu.

Arrimaha doorashooyinka, Dimuqraaddiyadda, xoojinta xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Jarmalka, waxbarashada iyo  kalluumaysiga, ayaa iyaguna kamid ahaa waxyaabihii  laga  wada hadlay, waxana uu kulankaasi kusoo dhammaaday is fahan buuxa iyo guul..”

Dhanka kale, Weftiga Jarmalka ee Maanta la kulmay Madaxweynaha Somaliland, ayaa Shalay kulan la mid ah la yeeshay Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

 

Horn Cable Tv