Somaliland: Tartan Loo Galay Soo Iibinta Timir Xukuumaddu Doonayso

Hargeysa (HCTV) – Guddiga Qandaraasyada Qaranka Somaliland, ayaa Maanta ku dhawaaqay Shirkadda ku guulaysatay tartan loo galay Timir loo soo iibinayo Xukuumadda Somaliland.

Waxaa Goob-joog ka ahaa Munaasibadda lagaga dhawaaqay Shirkadda ku guulaysatay Qandaraaskaasi, Xubnaha Guddiga Qandaraaska Qaranka iyo Madax ka socotay Shirkadaha tartanka ka qayb-galay.

Nuux Maxamed Xuseen oo ugu horreyn halkaa ka hadlay ayaa ku dhawaaqay Shirkadda ku guulaysatay Qabdaraaska, waxaanu yidhi “8 Shirkadood ayaa Qandaraaskan ku tartamay, halkaa waxaanu idiinku soo dhajinay markii aanu tartanka furaynay Qiimaha Dawladdu ku doonayso, kaasi oo ah Qiimo aad loo soo lafo-guray, waad ogtihiin in aan bakhaarkiina idinkaga iibsanayn, waad ogtihiin in Goobaha Somaliland oo dhan aad idinku geynaysaan, sidaa darteed Wakiilladii Dawladda ka socday ee Timirta doonayey iyo Guddiga Qandaraasyadu waxay isla garteen in Qofkii 16 dollar ku soo dhawaada uu Qandaraaskaasi ku guulaystay.”

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyadu wuxuu sheegay oo kale “Sidaa darteed, laba Shirkadood ayaa ku soo dhawaaday Qiimihii Guddigu u jartay, shirkadda la yidhaahdo Kaarshe waxay soo gashay Liiskii kama dambaysta ahaa, Shirkadda la yidhaahdo Saab-na waxay soo gashay Liiska kama dambaysta ah, laakiin aakhirkii waxa tartanka ku guulaystay Shirkadda Kaarshe..”ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv