Somaliland Oo Mar Kale Ka Hadashay Ciidamo Loo Samaynayo Badda Cas Iyo Gacanka Cadan

Hargeysa, (HCTV) – Somaliland ayaa markii labaad ka hadashay dedaalada dawladaha gobolka Geeska Afrika ee (IGAD) ay ku doonayaan in ciidamo isku dhaf ah ay ka sameeyaan Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

War-qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarada Arimaha dibada Somaliland ayaa lagu sheegay in dedaalo kasta oo ujeedadiisu tahay ilaalinta danaha guud ee amaanka iyo danaha dhaqaale ee Geeska Afrika oo ay Somaliland qaybteeda ka qaadan karo, ka maqnaanshaheeduna ay nusqaan tahay.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaarada Arimaha dibada Somaliland ayaa sidoo kale lagu sheegay In

Dawlada Somaliland ay rumaysan tahay in dedaalo kasta oo isku dubaradiya wax ka badalka badda Cas oo aanay ku jirin Somaliland uu macnaheedu yahay aaminid la’aan.

Somaliland waxay leedahay Xeeb dhererkeedu ka badan yahay 850-kilometer, waxaanay Somaliland horumarisay xirfad iyo inay casriyeyso inay gaafwareego, oo ay ilaaliso, awooda ay u leedahay inay gurmadna ka gali karto si ay u xaqiijiso hawlgalada si hufan inay u uga qayb qaadato ilaalinta marinka maraakiibta ganacsiga, Somaliland waxay wajihi kartaa budhcad badeeda, iyo dambiyada abaabulan iyo shabakada wax gudbiya,” sida lagu sheegay Warsaxaafadeedka ka soo baxay Somaliland.

Horn Cable TV.