Dawladda Imaaraadka Oo Muwaadiniintiisa Uga Digay Dalal Soomaaliya Ka Mid Tahay

Dubai (HCTV) – Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa Muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan Dalka Soomaaliya.

Dawladda Imaaraadka ayaa Walaac ka qabta in Weerarro io afduub loo geysto Muwaadiniinteedu hadday u sarfaan Soomaaliya ama dalxiis ahaan u tagaan.

Walaacan amni ee Imaaraadka ayaan ku koobnayn Soomaaliya, balse wuxuu walaac kaasi la mid ah ka muujiyey illaa toban dal oo kale oo Afika ah.

Digniintan cusub ayaa la sheegay in la gaadhsiiyey dhammaan Safaaradaha Imaaraadku ku leeyahay dhammaan Dalalka amnigooda laga dariyey, waxaana Muwaadiniinta ku sugan Dalalkaasi loogu baaqay inay si deg-deg ah ula xidhiidhaan safaaradda Imaaraadka ee ku taalla hadba Dalka ay ku sugan yihiin, si hadii ay wax dareemaan gurmad loogu samayn karo.

Dalalka Imaaraadku uu Muwaadiniintiisa uga digay waxa ka mid ah, Madagasger, Kongo, Yemen, Koonfurta Suudaan, Afghanistan, Suuriya, Nigeria, Ciraaq, Soomaaliya iyo Liibiya.

Imaaraadka oo Brazil iyo Ukrain hore digniintan Amni-xumo oo kale uga soo saaray ayaa hadda sheegay in Dalalkaas Amnigoodu uu hadda ka soo raynayo, sidaasi darteedna wuxuu sheegay inay Muwaadiniintiisu tagi karaan.

 

Horn Cable Tv