Ujeeddada Safar Uu Madaxweynaha Puntland Ku Tagay Imaaraadka

Garoowe (HCTV) – Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa Maanta Safar ugu baxay Dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Deni oo ay Safarkiisa ku wehelinayaan Wasiirro ka mid ah Xukuumaddiisa, ayaa Dalka Isku-tagga Imaaraadka Carabta u tagay arrimo ay muhiimsan yihiin sidii Xoolaha Puntland loogu iib-geyn lahaa Imaaraadka, maaddaama oo sannadkii 2017-kii Sucuudigu joojiyey Xoolihii Soomaalida uu ka iibsan jiray marka loo dhoofiyo.

Madaxweyne Deni oo intii aanu ka soo dhoofin Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay qaar ka mid ah waxyaabaha uu doonayo inuu kala soo hadlo Dawladda Imaaraadka Carabta, waxaanu yidhi “Maanta waxaan safar ugu socdaa dalka Imaaraadka Carabta, waxaa igu  weheliya Wefti ka kooban Wasiirro, waxaan rajeynayaa muddada aan ku maqanahay howlo dhowr ah oo dalka Imaaraadka iyo Puntland u dhexeeyey inaan ka soo wada-hadalno oo ay ugu muhiimsan tahay sidii xoolaha Puntland oo laga joojiyey Imaaraadka sidii loo furi lahaa..”

Madaxweynaha Maamulka Puntland waxa kale oo uu sheegay inuu doonayo in diyaaradaha Imaaraadku ay yimaaddaan Garoomada Puntland, Maaddaama, Puntland ay garoomo casri ah dhisatay sidii diyaaradaha Imaaraadku u iman lahaayeen garoomada Garoow iyo Boosaaso..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Dawladda Imaaraadku waxay naga caawisaa ciidanka PMPF oo shaqo weyn ka haya dhinaca xeebaha iyo la-dagaalanka Argagixisada oo iyaduna u baahan horumarin dhinaca Ciidanka ah, maaddaama ay culays amni soo bateen..”

 

Horn Cable Tv