Warbaahinta Caalamka: Somaliland Oo Doonaysa Inay Ka Mid Noqoto Ciidamada Badda Cas

Hargeysa, (HCTV) – Somaliland ayaa doonaysa inay ka mid noqoto ciidamada loo samaynayo badda cas iyo gacanka cadan ee dawladaha ku bahoobay urur goboleedka IGAD.

Sida warbaahinta East African Business Week ay baahisay maanta oo Salaasa warbixin ay ciwaan uga dhigtay Somaliland oo doonaysa inay ka mid noqoto Ciidamada Badda Cas.

Somaliland waxay sheegtay in dedaalo kasta oo wax lagaga badalayo sida ay hada tahay wadamada Badda Cas oo aanay Somaliland ku jirin in macnaheedu yahay aamin daro, waxaanay Somaliland awooda inay la tartanto wadamada tirada badan ee doonaya in dedaaladaasi ay ka hirgaliyaan baddaasi.

Dedaalada IGAD ee ujeedadoodu tahay in meel gudha oo horumarisa isla markaana kor u qaada danaha amaan iyo ka dhaqaale ee gobolka la sameeyo, Istaraataji ahaana ay muhiim tahay badda cas barwaaqowgeeda iyo nabadeedu ay u tahay Geeska.

“Somaliland, inkastoo ay ka mid tahay dawladaha saamiga ku leh badda cas, waxa ayaan daro ah in aan lagala tashan samaynta ciidamadaasi loo samaynayo badda cas, isla markaana aanay cadayn doorka iyo shaqada ciidamadaasi ay aanay u cadayn Somaliland”. Ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Arimaha Dibada ee Somaliland.

Bishii February Wasaaradaha Arimaha Dibada ee Somalia, Djibouti, Ethiopia, iyo Sudan ayaa isugu yimid Djibouti waxaanay dood ay yeesheen diirada ku saareen Caqabada Amaan iyo Siyaasadeed ee dalalkan Badda Cas iyo Gacanka Cadan soo wajihi kara.

Waxaana bishii April la sameeyey diimo hawlgaleed in la sameeyo si ay uga jawaabaan caqabadaha Istaraatajiyeed iyo furashadaha bada Cas iyo Cadanba.

Balse Somaliland oo qayb laxaad leh ka ah xeebta badda Cas kuna leh 850 kilometres oo aanay lahayn dal kale oo IGAD xubin ka ahi, ayaa hada doonaysa inay ka mid noqoto ciidamadaasi loo samaynayo bada cas.

Waxaanay Somaliland ay sheegtay inay hore usii wado la shaqaynta iyo talaabooyin firfircoon oo ay ka geysato dhinaca Amaanka Xeebaha, balse Somaliland aanay wax wadaxaajood ah kala gali karin dalna madaxbanaanideeda.

Horn Cable Tv,