Al-jeeriya: Madaxweyne Ku Meel-gaadh Ah Oo La Doortay

Algeria (HCTV) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dalka Aljeeriya Abdelkader Bensalah ayaa si ku meel-gaadh ah u hoggaaminaya Dalkaasi 90-ka Maalmood ee soo socda.

Baarlamaanka ayaa sidaasi xaqiijiyey Salaasada Maanta, ka dib markii uu Xilkii Madaxweyne-nimo iska Casilay Abdelaziz Bouteflika oo muddo ku 20 sannadood Dalkaasi soo xukumayey, ka dib markii bilihii u dambeeyay oo dhan ay halkaasi ka socdeen Dibed-baxyo lagu dalbayey inuu Xilka banneeyo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Aljeeriya ayaa sida Dastuurka Dalkaasi dhigayo wuxuu muddo 90 Maalmood ah ku diyaarinayaa doorasho Dadweynuhu ku soo dooranayaan Madaxweynaha Shanta sannadood ee soo socda dalkaasi xukumi doona.

Madaxweynaha ku meel-gaadhka ah ee Dalka Aljeeriya Abdelkader Bensalah oo markii xilkan uu Baarlamaanku ugu codeeyay la hadlayey Warbaahinta ayaa sheegtay “Waan ku qasbanahay inaan qabto waajibaadkan culus, kaasi oo Dadka Aljeeriya u ogolaan doona inay tijaabiyaan inay iyagu leeyihiin xukunka Dalka..”ayuu yidhi Bensalah, Isniinta Maanta.

Madaxweynaha ku meel-gaadhka ah ee Aljeeriya wuxuu ballan-qaaday inuu ka shaqayn doono sidii Shacabka dalkaasi u soo dooran lahaayeen Madaxweyne “Waxaanu ka shaqaynaynaa in sida ugu suurto-galsan Dadka Aljeeriya ugu soo doortaan Madaxweyne..” ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv