Eritrea Oo Soo Saartay Digniin Amaan

Asmara, (HCTV) – Dawlada Eritrea ayaa soo saartay digniin dhinaca amaanka ah oo ku wajahan Muwaadiniinteeda ku sugan dalka Sudan, maadaama oo dalkaasi Sudan ay ka jiraan dibadbaxyo lagaga soo horjeedo dawlada oo ka socda caasimada Khartoum.

Sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Safaarada Eritrea ay ku leedahay Khartoum, waxaana muwaadiniinteeda ku sugan Sudan iyo kuwa doonaya inay dalkaasi u safraanba ay ugu baaqday inay yareeyaan dhaqdhaqaaqyadooda, isla markaana ay darsaan hadba xaaladu siday tahay marka ay dalkaasi ka soo baxayaan.

Labadan dal ee jaarka ah ee Eritrea iyo Sudan oo xuduud wadaaga ayaa bishii February ee sanadkan furay xadka, xiligaas oo dalka oo dhan ay ka socdeen dibadbaxyo cadaadis lagu saarayo Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir inuu talada dalkaasi ka tago.

Waxaanu Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir Xili uu socdaal ku tagay magaalada Kassala ee xadka ay la wadaagaan Eritrea oo uu dad isku soo baxay oo taageeayaashiisa ah uu khudbad ugu jeedinayey waxa uu Mr Bashiir ku tilmaamay Eritrea “Walaalo”.

“Waxaan halkan kaga dhawaaqayaa, Kassala, In aanu furnay xadka aynu la wadaagno Eritrea sababtoo ah waa walaaladeen, waa dadkeenii, Siyaasadu inama qaybin karto inaga,” ayuu yidhi Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al-bashiir.

Horn Cable TV.