UCID Oo Jabuuti Ku Eedeeyay Muran Dhul Oo U Dhexeeya Beelaha Awdal

Hargeysa (HCTV) – Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti ku eedeeyay inay faro-gelin ku hayso Beelaha wada dega Gobolka Awdal, kuwaasi oo qaarkood Bilihii u dambeeyay uu ka dhexeeyay Khilaaf dhuleed.

Beel ka mid ah Beelaha dega Gobolka Awdal ayaa Bishii hore Warbaahinta ka sheegay in Dhulkoodii xoog lagaga qaaday, waxayna Xukuumadda Somaliland ka codsadeen in la soo kala gaadho Beesha dhulkooda ka qaadday oo ay sheegeen inay awood Dawladeed ka dambayso isla-markaana deegaamayn laga samaynayo dhulkooda, hase-yeeshee arrintaasi ayaanay Dawladda Somaliland xilligaa ka hadal.

Balse, Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga UCID, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo Maanta Warbaahintu waydiisay waxa Xisbigoodu ka ogyahay khilaafka Dhuleed ee Beelaha wada dega Gobolka Awdal, ayaa  sheegay in arrintaasi ay ku lug-leeyihiin Gacmo-shisheeye, isagoo xusay in Dawladda Jabuuti ku lug-leedahay muranka u dhexeeya Beelaha Awdal.

Mr. Ramaax oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan ahay Xoghayaha Arrimaha gudaha ee Xisbiga UCID, Wararka dalka oo dhan waanu helnaa, markaa taa lafteeda (Khilaafka Beelaha Awdal) Gacmo-shisheeyaa ku jira oo ay Jabuuti ka mid tahay, Gacmo shisheeye ayaa ku jira, horena ugu jiray, meelo badana innaga mud-mudaya..”

 

Horn Cable Tv