Nigeria: Magaalo Caruurtii Dhalataaba Mataano Noqdaan

Igbo Ora, Nigeria (HCTV) – Meel boodh badan oo Ardayda dugsigu ku ciyaaraan oo ku taala Koonfurta-Galbeed ee dalka Nigeria, ayaa caruurtu waxay u taagan yihiin safaf si ay ugu noqdaan Fasaladoodan waxaana wajiyadooda markaad aragto kuu cadaanaya inay mataano yihiin.

Muuqaalo sidan oo kale ah ayaad ku arki kartaa meel kasta oo ka tirsan Igbo Ora, halkaas oo dadka booqashada ku yimaada ay ku soo dhawaadaan caasimada Mataanaha aduunka.

Mataanuhu waa ka caadi qabiilka Yoruba oo iyagu degan qayb ka mid ah Nigeria.

Sanadkii 1970-todobaatanaadkii cilmibaadhis uu sameeyey gynaecologist British ahi waxa uu ogaaday in 50 meelood oo mataano ahi ay noqdaan 1,000 caruur ah ee ku dhalata deegaankan Koonfurta-galbeed ee Nigeria oo ah halka ugu tirada badan mataanaha dhasha ee aduunka.

Marka aad joogto Yoruba mataano inaad aragto waa wax caadi ah, dhaqan ahaana waxaabay siiyaan magacyo gaar ah. Waxaanay ugu yeedhaanba Taiwo ama Kehinde oo magacyadani ay ku xidhan yihiin in la kala siiyo hadba ka soo hor dhasha iyo ka ku xiga ee labaad.

Hase yeeshee, inkastoo dadkan Yoruba, ee Igbo-Ora loo tixgaliyo inay yihiin kuwo gaar u ah, waxaana ka mid ah in 100 Caruur ah ee Secondary Iskuulka dhigtaa loo kala jabiyo oo ay yihiin Sagaal meelood oo mataano ah.

“Sababta ay mataanahan oo dhami waxa ay tahay waxa aanu cunaa caleenta loo yaqaano Okra,” sidaasi waxa tidhi 15 jir magacdeeda la yidhaa Kehinde Oyedepo, oo ah mataan.

Waaxda Online-ka ee HCTV