Salaad Roob-doon Ah Oo Laga Oogayo Gobollada Somaliland.

Hargeysa (HCTV) – Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa Maanta ku dhawaaqay in Maalinta Axadda ah ee Toddobaadka soo socda Gobollada Somaliland laga oogi doono Salaad Roob-doon ah, maaddaama oo Raxmaadkii Alle dib u dhacay, Biyo la’aana ka jirto inta badan Degaannada Dalka.

Wasiir Khaliil oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Waxaad ka war qabtaan in biyo la’aani ka jirto Gobollada Bariga, Gobollada dhexe iyo Gobollada galbeedkaba, maaddaama oo aynu nahay Ummad Muslim ah, sidan oo kale oo marka Roobku uu dib u dhaco wuxuu Rasuulka Suubani (CSW) ina faray inaynu u tukano Illaahay SW…”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa wuxuu ku baaqay “Sidaa darteed Aniga oo ku hadlaya Magaca Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi waxaan farayaa inay Alle ka cabsadaan, u toobad keenaan, isna saamaxaan, kana qayb-galaan Salaadda Roob-doonta oo ka dhici doonta dhammaan Gobollada Somaliland Maalinta Axadda ee foodda inagu soo haysa oo bisha April tahay 4, kuna beegan 9-ka bisha Shacbaan, 1440, Saacaddu markay tahay 9:00 Subaxnimo..”ayuu yidhi

 

Horn Cable TV