Dawlada Somalia Oo Soo Bandhigtay Kharashka Al-shabaab Ku Bixiso Qarax Kasta

Muqdisho, (HCTV) -Dawlada Somalia ayaa sheegtay in ururka Al-shabaab uu ku kharash gareeyo halkii qaraxba lacag qadarkeedu gaadhayo $100,000 dollar.

Waxaanay dawlada Somalia ay xiligan wax iska waydiinaysaa cida maalgalisa ururka Al-shabaab ee ka taageerta lacagtan loo adeegsado qaraxyada.

Waxaanay sheegeen in labadii todobaad ee la soo dhaafay ay lacag farabadan ku kharash gareeyeen 14 qarax oo ka dhacay magaalada Muqdisho oo badankooda loo adeegsaday gawaadhida walxala qaraxa laga soo buuxiyo.

Waxaana su’aalahan hada la isweydiin karo ay yihiin cid dhaqaale ahaan ururka ka taageerta iyo danaha ay ka leeyihiin laynta shacabka aan wax galabsan ee ku sugan caasimada Somalia.

Cabdinuur Maxamed Axmed oo ah Afhayeenka Madaxtooyada Somalia ayaa bartiisa Facebook-ga qoraal uu soo dhigay waxa uu ku sheegay in Al-Shabaab ay lacag farabadan ku kharashgareeyaan qaraxyada ka dhaca Somalia, gaar ahaana caasimada Muqdisho.

“Tusaale ahaan marka aad isku geeyso kharashka oo uu ku jiro gaadhiga iyo walxaha qarxaba oo qaybo badan oo ka mid ah laga soo waarido dibadaha, wadarta guud ee waxay ku siinaysaa inay gaadhayso $80k ilaa $100k.” ayuu yidhi Cabdinuur Maxamed Axmed, Afhayeenka Madaxtooyada Somalia.

Hadaba halkee ayay Al-shabaab ka heshaa lacagahan farabada badan ee loo isticmaalayo laynta shacabka aan waxba galabsan ee ku nool Somalia?

Arintanina waa arin u baahan baadhis qoto dheer, in qof kastaa oo uu soo helo caawimada toosta ah iyo ta aan tooska ahaynba.

Source: https://allafrica.com/stories/201904100272.html

Waaxda Online-ka Ee HCTV