Bangkok : Hoteel Caan ah oo Gubtay iyo Dadkii Degenaa oo Daaqadaha ka Booday.

Dab Xoog leh ayaa qabsaday Centara Grand hotel, oo ah Dhisme ka caan ah oo ka kooban  57 dabaq oo  ku yaala Badhtamaha Magaalada Bangkok,ee Caasimadda Thailand.

dadkii ku sugnaa qaybaha  dabaqyada dhismaha  ayaa ka booday daaqadaha hoteelka oo aad u dheer,ugu yaraan saddex qof ayaa lagusoo waramayaa inay dhinteen kadib markii ay dhismaha iska tuureen, iyagoo dabka ka baxsanayay.

Gudoomiyaha Maamulka magaalada Bangkok, ayaa saxaafadda u sheegay in Holacu ka bilaabmay dabaqa 8-aad ee dhismaha oo ahaa kaydka warqadaha,intaasi waxaa uu ku baahay goobtaasi oo ah meel ay ku badan yihiin dadka dalxiiseyaasha ah, waxaana uu bilaabmay 6:00 galabnimo ee saacadda maxaliga ah.

Saxmadda Baabuurta ee ka jirta wadooyinka magaalada Bangkok,ayaa curyaamisay gaadiidka dab demiska ee doonayay inay halkaasi u gurmadaan.

HORN CABLE TV