Askar lagu dilay Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Askar lagu dilay Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Weeraro Dhinaca Cirka Ah Oo Ruxay Caasimada Libya Iyo Khasaaraha Ka Dhashay
Baydhabo: Taliyaha Ciidammada Milletariga Koonfur-galbeed Oo La Magacaabay
Somaliland: Xukuumadda Iyo Xisbiyada Oo Saxeexay Qorshe Dan U Ah Haweenka
In Kabadan 400 Oo Arday ayaa Magaalada Boorama U Fadhiistay Imtaxaanka Barnaamujka Shaqo Qaran
“Waanu Ka Xunnahay In Xildhibaanku Yidhaahdo 18 May Waa Maalin Madow..” Baashe M. Faarax
Labo askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku geeriyootay qarax goor dhaw lugula eegtay gaari yar oo ay la socdeen degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Gaar ahaan qaraxan ayaa ka dhacay agagaarka Warshadii hore ee caanaha, waxaana uu ahaa gaari Kaarib ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in gaariga Qaraxa uu haleelay uu ka horeeyay Gaari Cabdi Bille ah, kaasi oo lagu qaaday dhaawaca askariga saarnaa gaariga Kaaribta ee uu qaraxa haleelay.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo Qaraxan ay ka oo saareen laamaha amniga ee ku aadan Qaraxan maanta Magaalada Muqdisho ka dhacay, awaxana uu ku soo aadayaa xilli Wadooyinka qaar ee Muqdisho ay Maanta xiran yihiin.

 

COMMENTS

%d bloggers like this: