Askar lagu dilay Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Labo askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku geeriyootay qarax goor dhaw lugula eegtay gaari yar oo ay la socdeen degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Gaar ahaan qaraxan ayaa ka dhacay agagaarka Warshadii hore ee caanaha, waxaana uu ahaa gaari Kaarib ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in gaariga Qaraxa uu haleelay uu ka horeeyay Gaari Cabdi Bille ah, kaasi oo lagu qaaday dhaawaca askariga saarnaa gaariga Kaaribta ee uu qaraxa haleelay.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo Qaraxan ay ka oo saareen laamaha amniga ee ku aadan Qaraxan maanta Magaalada Muqdisho ka dhacay, awaxana uu ku soo aadayaa xilli Wadooyinka qaar ee Muqdisho ay Maanta xiran yihiin.