God Madaw oo Lagu Arkay Hawada Sare.

Black hole
SAWIRO AAN HORE LOO ARAG /BBC/EHT COLLABORATION

Cir-bixiyeeno ka tirsan wakaalado Caalami ah ayaa soo bandhigay, sawir ay sheegeen inuu yahay God madaw oo ka muuqda Hawada sare, mugdigaasi ayaa la rumaysan yahay inuu ka muuqdo Meere kale oo dhulka u jira  qiyaastii Boqolaal Milyan oo Kiiloo Mitir.

xogta arrnitani ayaa lagu daabacay wargeyska Astrophysical Journal, ee ka faalooda arrimaha sayniska, waxaana lagu tilmaamay wax aan hore loo arag, waxaana baahiyay inta badan televisionada iyo warbaahinta ugu saamaynta badan dunida.

Prof Heino Falcke, oo ka tirsan jaamacadda Radboud,oo la hadlay BBC ayaa yidhi ” waxan aragnay, wax ka wayn baaxadda kawnka aynu ku noolnahay, waa god Mugdi ah kii ugu waynaa abid ee Saynisyahadu ay ku arkaan Hawada sare”ayuu yidhi.

8 ka mid ah Qalabka diiradaha ee Cirbixiyeenadu adeegsadaan si isku mid ah u sawiray godkani la sheegay inuu ka muuqdo hawada sare ee ay soo bandhigeen saynisyahanadu.

Sayninsyanadu may soo bandhigin  waxa ay u filayaan sababta  arrintaasi ka yaabisay ee kusoo kordhay macluumaadkii ay ka hayeen meereyaasha hawada sare.

 

HORN CABLE TV

WAAXDA ONLINE-KA

EHT
Diirado yaala meelo kala duwan oo sawiray godka madaw/BBC