“690 Maxbuus ayaa Dil Lagu Fuliyey 2018..” Amnesty International

Hargeysa (HCTV) – Ugu Yaraan 690 Maxbuus ayaa dil lagu fuliyey, kuwaasi oo ku kala xidhnaa 20 Dal, sannadkii 2018-kii.

Laakiin, Tirada Maxaabiista Dilalka lagu fuliyey ayaa 31% ka yar tii sannadkii ka sii horreeyay oo ahayd 993, sida ay sheegtay War-bixin ay soo saartay Hay’adda u dooda xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International.

Hay’adda Amnesty International ayaa sheegtay in dilalka Sannadkii hore ee 2018-kii lagu fuliyey Maxaabiista tiradoodu dhan tahay 690-ka ay tahay tii ugu yarayd, marka la barbar-dhigo Qisastii lagu fulin jiray Maxaabiista labaatankii sanadood ee u dambeeyay.

Sannadkii hore ayaa 54 Dal waxay qisaas ku fuliyeen 2,531 Maxbuus, laakiin tiradaasi waxay muujinaysa in hoos u dhac jiro, marka la barbar-dhigo Qisaastii laga fuliyey Adduunka 2017-kii oo ahayd 2,591, sida lagu sheegay War-bixin arrimahan la xidhiidha oo uu soo saaray Urur ka shaqeeya in la joojiyo Qisaasta lagu fuliyo Maxaabiista.

Dalalka fuliya qisaasta ugu badan ayaa War-bixintu ku sheegtay inay yihiin Iran, Saudi Arabia, Vietnam iyo Iraq.

 

Horn Cable Tv