Dardarta Diblomaasiyada Eritrea: Socdaalka 2 Todobaad Iyo 6 Caasimadood

Asmara, (HCTV) – Labadii todobaad ee u dambeeyey dalka Eritrea ayaa qaaday talaabooyin diblomaasiyadeed oo cajiib ah, gaar ahaana intii u dhaxaysay dabayaaqada bisha March ilaa 10-kii April, kaas oo Wasiirka Amuuraha Dibada ee dalka Eritrea uu socdaal ku tagay lix caasimadood laba todobaad gudahood.

Waxaanu Wasiirka Arimaha dibada ee Eritrea uu maalmihii u dambeeyey ku sugnaa dalka Sucuudi Carabya oo uu kulan kula yeeshay Boqorka Dalkaasi Boqor Salman Bin Cabdulcasiis Al Sucuud oo uu gacanta ka galiyey warqad uu ka siday Madaxweynihiisa Isaias Afwerki.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel ayaa sheegay in Warqada Afawerki ay ku qoran tahay kalmado mahadnaq ah oo uu Sucuudiga ugaga mahadcelinayo taageeradii iyo doorkii Sucuudigu uu ku lahaa heshiiskii nabada ee Ethiopia iyo Eritrea ay kala saxeexdeen bishii July ee 2018-ka.

Waxaanay labada dal ay heshiiskaasi nabadeed ku kala saxeexdeen Riyad sanadkii la soo dhaafay.

“Boqor Salmaan waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in boqortooyadu ay garab taagnaan doonto, masuuliyadaheedana ay ka mid tahay amaanka iyo nabada gobolku,” ayuu intaasi raaciyey Meskel, Wasiirka Warfaafinta ee dalka Eritrea, waxaanu intaasi raaciyey in wasiiro heer sare ah oo sucuudiyaan ah iyo masuuliyiin Eritrea ay yeesheen kulan.

Wasiir Saalax iyo La Taliyaha Madaxweynaha Eritrea Yemane Ghebreab. Ayaa toosh ku ifiyey tan siyaasada dibada ee Eritrea tan iyo sanadkii la soo dhaafay.

Ka hor safirka ay Jidah ku tageen, labada nin ayaa booqday Somaliland iyo Somalia laba laamood oo ay socdaalo ku tageen dalka Somaliland iyo Somalia iyagoo halkaasi kulano kula yeeshay Madaxweyne Muuse Biixi iyo Madaxweynaha Somaliland Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Ka sokow kulanka ay Eritreanku ku tageen dalalka Somaliland iyo Somalia waxa ay horaantii isla bishan April ay ku tageen magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Iyagoo halkaasi kulamo kula yeeshay Wasiirka Arimaha dibada ee dalka Masar Sameh Shoukri, waxaana labada dhinac ay si saaxiibtinimo ah ay uga doodeen xidhiidhka wada shaqayneed ee labada dal iyo arimo kale oo la xidhiidha geeska Afrika iyo gobolka Badda CAs.

Dabayaaqadii Bishii March ayaa sidoo kale weftiga eritreanka ahi waxa ay socdaal ku tageen dalka Japan waxaanay labada dal ay saxeexeen heshiisyo lagu xoojinayo xidhiidho laba geesood ah iyo kala saxeexday tiro heshiisyo gaar ah oo ay ka mid yihiin shirka ka qaybgalka Eritrea ee shirka todobaad ee horumarka Afrika lagaga hadlayo (7th Tokyo International Conference on African Development (TICAD7) oo ka dhici doona Tikyo bisha August ee sanadkan.

Waaxda Online-ka Ee HCTV