Xeer Hor-yaalla Wakiillada Somaliland oo Khilaaf Abuuray.

Hargeysa (HCTV) – Wax ka beddel lagu samaynayo Xeerka Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland oo hor-yaalla Golaha Wakiillada ayaa khilaaf ka dhex abuuray Xildhibaannada Goleyaasha deegaannada, Guddoomiyeyaasha Goleyaashaasi iyo weliba Golaha Wakiillada.

Golaha Wakiillada ayaa doonaya inay wax ka beddel ku sameeyaan Xeerka Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka oo Xukuumaddu u soo gudbisay, waxaana qodobbada ugu muhiimsan ee doodda abuuray ka mid ah ‘in Xukuumaddu doonayso in Xanaasadda laga qaado Xildhibaannada Goleyaasha deegaanka, marka laga reebo Maayarka iyo Maayar ku-xigeennada’, arrintaasi oo ka cadhaysiisay Xildhibaannada Goleyaasha deegaanka.

Xildhibaanno ka mid ah Golaha degaanka ee Magaalada Hargeysa oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa wax ka beddelka lagu samaynayo Xeerkaasi ku eedeeya inay Maayarradu ka dambeeyaan “Maayarkayaga, Maayarka Berbera iyo ka Gabiley ayaa ku lug leh ayaa ku leh Xisaabtaa, hadday iyaga u sugnaatay inay Madaxtooyada Fiidkiina galaan, Subaxdiina galaan, Ragga qaarkiii uu geli kari waayana, astaanta ay leedahay waanu garanaynaa. Madaxweynaha waxaan leeyahay inaad dhaawac dimuqraadiyadda ku keento lama eegayn ee waxqabad baa lagaa sugayey..”ayuu yidhi, Xildhibaan Haybe oo ka mid ah Golaha deegaanka ee Hargeysa

Xildhibaan Iyaas oo isaguna Golahaasi ka mid ah ayaa yidhi “Nimanka Sharci dejinta isku sheega ee Baarlamaanka malaha Dastuurkan loo dhiibayba ma akhriyin, waxaan leeyahay Dastuurka dib ugu noqdo, Waayo? Qof kasta oo la doortay waxa lagu doortay oo uu leeyahay Xasaanad..”

Ilyaas waxa kale oo uu sheegay “Waxa la leeyahay Cidda berigii horena soo jeedisay in Maayarrada lagu doorto Saddex meeloodoow laba Meelood samaysay ee abuurtayna waxay ahayd Maayarro, arrintan  Xasaanadda Xildhibaannada waddaana waa Maayarrada, sababtuna wax kale maaha ee waxa la doonayaa in Maayarka iyo Maayar ku-xigeennada aanay ula xisaabtamin Xildhibaannadii lala soo doortay, illayn Xasaanad malahee..”ayuu yidhi

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa Toddobaadka soo socda bilaabaya dood ay ka yeelanayaan wax ka beddelka la doonayo in lagu sameeyo Xeerka Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka.

 

Horn Cable Tv