Hindiya: Dimuqraadiyada U Balaadhan Aduunka Oo Dorasho U Dareeray

New Delhi, (HCTV) – Wajiga koowaad ee doorashada dalka Hindiya ayaa si rasmi ah ugu bilaabantay dalkaasi, waxaanu Raysal Wasaare Narendra Modi uu tartan ugu jiraa markiisii labaad.

Wajiga koobaad ee doorashada dhiiban doona 142 milyan oo codbixiye oo ku kula sugan 20 gobol, kuwaas oo dooran doona 91 musharax.

Waxaana la filayaa inay codkooda dhiibtaan 900 Milyan oo Hindiyaan ah oo ka mid ah 1.3 Bilyan ee gaadhay da’da inay wax doortaan.

Guddida doorashada dalka Hindiya ayaa sheegay in dadku aanay codka ka dhiibaan meelo badan oo ka tirsan degmooyinka bariga ku yaala oo weeraro ay ka geysteen dablayda Maoist maalintii shalay, halkaas oo ay ku dileen wakiilo ka tirsan xisbiga Raysal Wasaare MOdi ee Hindu Nationalist Bharatiya (BJP) iyo Afar Sarkaal oo kuwa amaanka ah.

Halka dhinaca koonfurta ee gobolka Andhra Pradesh, teegeerayaasha xisbiga xukuma gobolkaasi ee Telugu Desam Party ay ku dhinteen isku dhac ku dhex maray goobo codbixineed.

Naresh Kumar, oo da’diisu tahay 43 jir oo ku nool degaanka Bishada oo ka tirsan Gautam Buddha Nagar ayaa sheegay inuu doonayo inuu soo noqdo BJP, waxaanu yidhi “ Modi waa uu qabtay shaqo badan” ayuu yidhi.

Dalkan Hindiya ee ay ka bilaabantay doorashada guud ee dalkaasi maanta ayaa noqonaya dalka ugu balaadhan ee ay doorashooyin dimuqraadi ahi ka dhacaan waxaana loo yaqaana, dimuqraadiyada ugu balaadhan aduunka.

Waaxda Online-ka HCTV