Raysal Wasaare Khayre Oo La Kulmay Madaxa IMF-ta Iyo La’ Taliyaha Trump Ee Amaanka

Washington, (HCTV) – Raysal Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa kulano gaar gaar ah la yeeshay Agaasimaha guud ee hay’adda lacagta aduunka haweenayda la yidhaa Christine Lagarde iyo la taliyaha dhinaca amaanka ee Madaxweynaha dalka Maraykanka ninka la yidhaa John Bolton.

Raysal Wasaaraha Somalia ayaa sheegay inuu u mahadcelinayo hay’adda Lacagta Aduunka ee IMP-ta iyo agaasimaheeda guud Chiristine Lagarde oo uu la yeeshay kulan wanaagsan, isla markaana ay wada leeyihiin wadashaqayn fiican iyaga iyo Somalia.

Sidoo kale Raysal wasaaraha Somalia ayaa tilmaamay in labada dhinac ay isla wadeegaan baahida loo qabo lacagaha daynta ah, maadaama oo ay sameeyeen isbadalo dhinaca dhaqaalaha ah.

Sidoo kale Haweenayda Madaxda ka ah hay’adda Lacagta Aduunka ee IMF Christine Lagarde ayaa iyaduna sheegtay in Raysal wasaaraha Somalia ay la yeelatay kulan midho dhal ah isla markaana ay si xirfadaysan uga doodeen sida ay sanadada soo socda uga wadashaqayn lahaayeen xoojinta dhaqaalaha iyo kulamada IMP-ta.

Dhinaca kale Raysal Wasaaraha dalka Somalia Mr Xasan Cali Khayre oo mudooyinkii u dambeeyey socdaal ku gaalaa bixinayey dalka Maraykanka ayaa la kulmay la taliyaha Madaxweynaha dalka Maraykanka u qaabilsan Amaanka John Bolton, waxaanay labada dhinac ka wadahadleen arimo muhiim ah oo la xidhiidha arimaha uu Maraykanku kala shaqeeyo Somalia ee la dagaalanka Argagixisadu ay ka midka tahay.

Waaxda Online-ka Ee HCTV