Somaliland Oo Ka Qaybgashay Xuska Xasuuqii Rwanda

Rwanda, (HCTV) – Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Amb. Baashe Cawil ayaa dalka Rwanda kaga qaybgalay xus balaadhan oo loo sameeyey Xasuuqii dalka Rwanda ka dhacay muddo hada laga joogo  25th sano.

Ambassador Bashe Cawil ayaa sheegay in Somaliland ay dhiirigalin u tagay horumarada xusida mudan ee dalka Rwanda uu sameeyey tan iyo intii uu dalkaasi ka dhacay xasuuqii dadka badan lagu gumaaday ee sanadkii 1991-kii.

Dalka Rwanda ayaa todobadii bishan lagaga dhawaaqay boqol cisho oo baruur diiq ah oo loo samaynayo dad ka badan 800,000 qof oo noloshooda ku waayey dhacdo murugo leh oo dalkaasi ka dhacday sanadkii 1994-kii.

Waxaana xuska baroor diiqda ah ee dalkaasi u sameeyey dadkii lagu gumaaday xasuuqii ka dhacay dalkaasi hogaaminayey Madaxweynaha Rwanda President Paul Kagame.

Waaxda Online-ka Ee HCTV