Somalia: Tirada Dadka Barakacay Sanadkan 2019-ka Oo La Soo Saaray

Nairobi, (HCTV) – In ka badan 137,000 qof ayaa guryahoodii ka barakacay rubicii hore ee sanadkan 2019-ka sida ay sheegtay warbixin cusub oo ay maanta soo saartay hay’adda Norwegian Refugee Council (NRC).

Waxaanay hay’addu sheegtay in qoysaska barakacaya ee Geeska Afrika uu sii kordhayo iyadoo sababta u weyn ee ay ka barakacayaan ay tahay dagaalada iyo abaaraha jira, sida lagu baahiyey macluumaad ay soo ururiyeen hay’adda UNHCR iyo NRC, taas oo la tilmaamay in xaalada Somalia ay ka sii darayso bil kasta.

Warbixintan ay soo saartay hay’adda NRC ayaa tilmaantay in dad ka badan 137,000 qof oo Somalia ku sugani ay ka barakaceen guryahoodii tan iyo bilawgii sanadkan 2019-ka, isla markaana tirada dadka gudaha dalka ku barakacayaa ay gaadhi doonaan in ka badan 2.6 milyan oo qof.

“Waxa muuqata sanadkan 2019-ka korodh aan wanaagsanayn, oo dadbadan ay ka barkaacayaan dagaalada iyo abaarta ka jirta Somalia.

Waxaanay dadkaasi raadsanayaan gargaar, qoysaskuna waxay ka barakacayaan dhulka miyiga ah, iyagoo abaaraya meesha ay ka heli karaan gabaad. Xaaladooduna waa mid aad u daran,”  sidaasi uu warbixinta ku yidhi Kennedy Mabonga, oo ah Agaasimaha Barnaamijyada gobolka u qaabilsan hay’adda NRC.

Warbixinta ay maanta soo saartay hay’adda NRC oo Dhamaystiran halkan kaga bogo:-

https://www.nrc.no/news/2019/april/137000-people-forced-to-flee-their-homes-this-year-in-somalia/

Waaxda Online-ka ee HCTV