Madaxweynaha Jabuuti Oo Furay Bangiga Dahabshiil Ee EAB + SAWIRRO

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Md. Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Xadhigga ka jaray dhisme uu Magaalada Jabuuti ka binneeyay Baanka EAB oo qayb ka ah Shirkadaha Dahabshiil Group.

Munaasibadda Xadhigga lagaga jaray dhismahan cusub oo ka kooban dhowr dabaq, ayaa waxa ka qayb-galay Madax ka mid ah Dawladda Jabuuti, kuwa ka tagay dhanka Somaliland iyo Marti-sharaf kale oo ay ka mid ahayd Marwada Koowaad ee Jabuuti, Marwo Khadra Maxamuud Xayd.

Agaasimaha Shirkadaha Dahabshiil Group, Cabdirashiid Maxamed Siciid oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahiyey Baanka EAB ee dhismaha uu ku shaqayn doono laga furay Magaalada Jabuuti, waxaanu yidhi “Dahabshiil Baanka, East Africa Banka, waxay ka shaqeeyaan Caalamka oo dhan, Jabuutina waxay u doorteen horumarka ay jabuuti ka gaadhay Gobollada Geeska Afrika, Runtiina Bad iyo Bariba qayb weyn ka ah Horumarka Adduunka..”

Cabdirashiid wuxuu sheegay in Shirkaddoodu ka qayb-qaadatay Internet Badda hoosteeda mara, kaasi oo gaadhaya dhammaan Dhulka Soomaalidu degto “Mashaariicda aanu ka qabanay Jabuutina maaha xafladdan Maanta oo keliya ee waxaanu ka qayb-qaadanaa Cable-ka  badda hoos mara ee Illaa Kenya, dhulka Soomaalida oo dhan gaadhsiinaya Internet-ka ugu qaalisan (Xawaare Sarreeya)..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Baanka aanu Maanta halkan ka furnay waxa naga caawiyey Allaah ha u naxariistee Jaamac Xayd oo doonayey in dhaqaalaha Dalkani uu gaadho halka ugu sarreysa..”

Mulkiilaha Baanka EAB, Maxamed Siciid Ducaale, sidoo kalena ah Mulkiillaha Shirkadaha Dahabshiil Group ayaa Munaasibaddaasi ka soo jeediyey hadal u badnaa Mahad-naq ku socda Madaxweynaha Jabuuti, waxaanu yidhi “Madaxweynaha ayaan waxaan waydiiyey, Baanka waan furayaa ee Adigu waxaad iga rabtaa waa maxay?, dabadeedna wuxuu igu yidhi ugu yaraan sow 14 Qof oo shaqaale ah samayn maysid, intaasaan risiq u doonayaaye, intaas baan kaa rabaa, wax kalena kaama rabo, markaa waxa ii Caddaatay in Madaxweynuhu uu Dadkiisa shaqo u samaynayo..”

Ugu dambayn, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo isaguna gebogebadii halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxaanu jecellahay inaanu dhiiri-gelino oo aanu tilmaano Qofka Waddankayaga Maalgashada inay yihiin kuwo naga mudan xurmo. Qofka Maalgashi samaynayaa waxa loo baahan yahay inta aanu imanin (Jabuuti) inuu sii garan karo Shuruucda uu ku shaqaynayo, waxa isaga nabad-gelinaya, Maalkiisa nabad-gelinaya. Dadka xukuumadda u shaqeeya dhammaantoodna waxay ku amran yihiin inay la dul-joogaan Walaalnimo iyo wada-shaqayn..”

 

Horn Cable Tv