Pakistan: Qarax Lala Beegsaday Suuq Khudaarta Lagu Iibiyo

Islamabad, (HCTV) – Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay 40 kalena way ku dhaawacmeen Qarax maanta ka dhacay suuq ku yaala magaalada Koonfurta Galbeed ee dalka Pakistan ee Quetta, waxaana wararka hordhaca ah ee la helayaa ay sheegayaan in qaraxa lagu bartilmaameedsaday bulshada laga tirada badan yahay ee Hazara.

Khasaaraha ka dhashay qaraxa ayaa waxa warbaahinta u xaqiijiyey Zia Langove oo ah Wasiir ka soo jeeda gobolkaasi, kaas oo sheegay in afar ilaa shan dadka dhaawacmay ahi ay hada ku sugan yihiin xaalad khatar ah.

Qaraxan lala beegsaday bulshada Hazaras oo ah Shiico muslim ah, ayaa markii uu qaraxu dhacay waxay suuqa qaraxu ka dhacay ay ka iibsanayeen khudaartii subixii hore ee maanta oo jimce ah.

“Qaar ka mid ah bulshada Hazara oo maalin kasta ka dukaamaysta duuqa Quetta ayaa weerarka lala eegtay” sidaasi waxa warbaahinta u sheegay Abdul Razzaq Cheema oo ka mid ah Saraakiisha Bileyska.

Waaxda Online-ka HCTV