Muqdisho: Ciidamo Tacshiirad Isku Weydaarsaday Isgoyska Manapolio

Muqdisho, (HCTV) – Ciidamo kuwa amaanka ah ee Somalia ayaa tacshiiradi ay ku dhexmartay isgoyska Manaplio ee magaalada Muqdisho, waxaana wararka laga helayo Muqdisho ay sheegayaan in la maqlay tacshiirad farabadan oo ay is-rasaasadeen.

Waxaana lagu waramayaa in Askarta rasaastu ay dhexmartay ay yihiin kuwo bileys ah iyo kuwo ilaalinayey Xildhibaan, waxaana markii dambe soo faragaliyey Ciidamo Milatariya, kuwaas oo toogtay gaadhigii ay wateen ilaalada xildhibaanka, halkaana ay ku soo gaadhsiiyeen gaadhiga waxyeelo.

Hase yeeshee, is-rasaasayntan ka dhacday isgoyska Manapolio ee magaalada muqdisho, ayaa la sheegay in dad goobta ka ag-dhawaa ay wax ku noqdeen balse si dhab ah looma oga khasaaruhu inta uu leegyahay.

Waaxda Online-ka Ee HCTV