“Ma Jiro Damac Aanu Awooda Ku Sii Haysanaynaa” Milatariga Sudan

Khartoum, (HCTV) – Golaha Milatariga Sudan ayaa balanqaaday inay qabanayaan wadahadalo ay la yeeshaan kooxaha siyaasada si dalka looga sameeyo dawladd rayid ah, waxaanay sheegeen in aanu ku jirin damac ay ku sii haysanayaan awooda kadib markii ay meesha ka saareen maalintii shalay Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir.

Soo jeedintan ay sameeyeen maanta oo jimce ah ayaa waxa si degdeg ah ugu gacan saydhay Ururka Xirfadlayaasha Sudan ee (SPA), kuwaas oo mudo bilo ah dibadbaxyo ay talada dalka kaga tuurayeen Cumar Xasan Al-bashiir.

Omar Zein al-Abideen, oo xubin ka ah golaha Milatariga ee kumeelgaadhka ah, oo imika ka mid ah Saraakiisha uu hogaamiyo General Awad Ibn Auf, ayaa sheegay ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu iscasilo si loo sameeyo dawladd shacabku gadhwadeen ka yihiin.

Hase yeeshee Milatariga dalka Sudan ayaa ku dhawaaqay maalintii shalay in mudo laba sanadood gudahood ay talada dalka ku soo celin doonaan shacabka, iyagoo xukuno degdeg ah galiyey dalkaasi. Waxaanay maanta sheegeen milatarigu in aan loo dulqaadan doonin cid kharbuda amaanka dalka.

Waaxda Online-ka Ee HCTV