Ethiopia oo Sheegtay inay Fashilisay Shirqool Argagixiso.

Addis Ababa, (HCTV) – Dawladda Ethiopia ayaa shaacisay inay ka hor tagtay weeraro argagixiso oo lala damacsanaa goobo muhiim ah .

Xeer-ilaaliyaha guud ee dalka Ethiopia, waxa uu sheegay in weerar argagixiso la fashiliyey kadib markii ay si wada jir ah uga hawlgaleen Ciidamada Amaanka iyo Sirdoonku, waxaanu xeer-ilaaliyuhu tilmaamay in weerarkaasi argagixiso ee fashilmay loo hayo dad looga shakisan yahay.

Ethiopia oo Musuqmaasuq ugaadhsanaysa.

Xukuumadda Ethiopia ayaa  ku dhawaaqday inay xabsiga u taxaabtay 59 masuul oo ka mid ah saraakiisha dawlada, kuwaas oo ku eedaysan musuqmaasuq.

Xubnaha la xidhay ayaa waxa ku jira masuuliyiinta afar hay’adood oo dawlada ka tirsan oo ay ka mid yihiin  Madaxa Hay’adda Maamusha hantida dawladda iyo hay’adda xidhiidhada ganacsiga Ethiopia.

Sidoo kale dadka la xidhay ayaa waxa ku jira ganasato lala xidhiidhiyey musuqmaasuq, sida uu sheegay Xeer-Ilaaliyaha Guud ee dalka Ethiopia, Birhanu Tsegaye, oo warbixin kooban ka siiyey warbaahinta xadhigaasi dhacay galabnimada maanta oo Jimce ah.

Sidoo kale Masuuliyiinta la xidhay waxa ka mid ah Masuuliyiin ka tirsan hay’adda dawlada u qaabilsan soo iibinta dawooyinka oo lala xidhiidhiyey musuqa gaadhaya $24 million oo dollar oo daawo lagu soo iibinayey si Farmasiiyadaasi looga caawiyay dawooyinka si ay gacan uga geystaan adeegyada caafimaada oo ay dadka u jabiyaan.

Xeer-Ilaaliyaha guud ee dalka Ethiopia waxa kale oo uu sheegay in dhamaan musuqmaasuqaasi la sameeyey intii lagu gudo jiray heshiisyo wax lagu soo iibinayey ama wax lagu dhisayey.

 

Waaxda Online-ka HCTV