Mudaharaaddo Rabshado Wata Oo Ka Socda Muqdisho + Sababta

Muqdisho (HCTV) – Mudaharaad ay ka qayb-galalayaan boqollaal Qof ayaa ka socda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

 Mudaharaadkan ayaa bilaabmay Maanta, ka dib markii Ciidammada amnigu toogasho ku dileen Nin watay gaadiidka loo yaqaano Bajaajta ee ka dhex shaqeeya Magaalada Muqdisho, kaasi oo noqonaya kii saddexaad ee muddo laba toddobaad ah ay Ciidammadu toogasho ku dileen.

Bajaajleyaasha Muqdisho oo gacan ka helaya Dadweyne kale oo tiro badan ayaa iyagoo aad u cadhaysan waxay dhigayaan Mudaharaad rabshado wata, waxayna dalbanayaan inay xilka iska casilaan Raysal-wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

“Sidani Amni maaha ee ha iscasilaan Raysal-wasaare khayre iyo Cabdiraxmaan Yariisoow..” ayuu yidhi, mid ka mid ah Mudaharaadayaashu, waxaanu intaa ku daray “Maalin walba ayay Ciidammadu si macno-darro ah u tooganayaan Mootalayaal aan waxba galabsan..”

Dadka Mudaharaadaya ayaa  Waddooyinka Muqdisho ku gubaya Taayiro, iyadoo Meelaha qaarkood ay Ciidammada Booliisku isku dayayaan inay xoog ku kala dareeriyaan, iyagoo marmar ku furaya Rasaas.

La Soco wixii soo kordha

 

Horn Cable Tv