Booliska Suudaan oo Dilay 16 Qof.

Image result for sudan

Khartuum, (HCTV) – Wararka laga helayo dalka Suudaan  ayaa sheegaya in Ciidamada Booliisku ay Toogasho ku dileen  ugu yaraan 16 qof oo dibad bax Ka dhigayay Fagaare ku yaala Caasimadda suudaan ee khartuum.

toogashada ayaa timi kadib markii  dibadbaxayaashu ay diideen in ay mudaharaadada joojiyaan ilaa inta dawlad rayid ah lagu wareejinayo talada dalka.

ugu yaraan 20 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay Rasaasta Booliisku ay ku fureen Mudaaharaadeyaasha.

HOGAAMIYIHII  INQILAABKA OO IS CASILAY.

General Awad Ibn Auf ayaa ku dhawaaqay Xalay goor dambe inuu xilka ka degay kadib markii ay dibadbaxayaashu ka tagiwaayeen fagaareyaasha iyagoo dalbanaya in militerigu ay awoodda ku wareejiyaan dawlad  Rayid ah.

“Anigoo ah madaxa golaha military-ga, waxaan ku dhawaaqayaa inaan xiska iska casilo, ayuu yidhi Ibn Auf, isagoo sheegay in talaabada go’aankan uu u qaaday si uu u ilaaliyo midnimada ciidanka.

Sidaa darteedna uu ku wareejiyey  General Abdel Fattah Adelrahman Burhan inuu hogaamiyo golaha ku meelgaadhka ah ee Milatariga.

Iscasilaadan Madaxa Golaha Milatariga dalka Sudan ayaa imanaya 30 saacadood  ka dib markii uu afgambi ku riday madaxweynihii 30ka sanadood  xukumayey dalkaasi Sudan ee Cumar Xasan Al-basbhiir.

Waaxda Online-ka HCTV