Dab Xoog Leh Oo Ka Holcaya Kaymo ku Yaala Ethiopia+Sawiro

Semien Mountains, (HCTV) – Dab xoog leh ayaa ka holcaya buuraha iyo kaymaha dalka Ethiopia gaar ahaana Buuraha Semien mountains oo ku dhow Emet Gogo iyo Sankaber ee gobolka Axmaarada Ethiopia.

Waxaana bulshada deegaankaasi ay dedaal dheeraad ah ugu jiraan sidii ay u xakamayn lahaayeen dabkaasi ka holcaya kaymaha iyo Buuraha dalka Ethiopia.

Dabkan oo habeen iyo maalinba ku sii fidaya dhulka ayaa sidoo kale ay ka qayb qaadanayaan wax ka qabashadiisa Ardayda jaamacada Gonder, kuwaas oo la tacaalaya inaan dabku faraha ka bixin, waxaanay wararku intaa ku daayaan in gurmadka dabku uu yaryahay, gaabisna uu ku socdo oo loo baahan yahay gurmad sida ugu dhakhsaha badan.

Gudoomiyaha Gobolka Axmaarada Dr. Ambachew Mekonnen oo shir jaraa’id qabtay maanta ayaa ku baaqay in gurmad loo baahan yahay isla markaana uu dabku gaadhay Beerta Semien National Park oo mudo hada laga joogo todobaad, sidaa darteedna dabkani uu ka tan badan yahay awooda gobolka in wax lagaga qabto oo loo baahan yahay in lagala qayb qaato. 

Waaxda Online-ka HCTV