Dad Isku Ururay oo Sameeyay Sawirka Masjidkii lagu Dilay 50-ka Muslim.

Pakistan (HCVT) – Kumanaan Qof oo ku lebisan dhar Midabkoodu Cad yahay, ayaa si wada jir ah u istaagay meel ka mid Magaalada Jhang ee Dalka Pakistan, iyagoo u istaagay qaab marka korka laga sawiro u eg mid ka mid ah Masaajiddadii Magaalada Christchurch ee Dalka New zealand ee Ninka Caddaanka ahi ku dilay 50 Qof oo Muslimiin ah.

Sawir ay qaadday Drone ayaa ku tusaysa Dad cibaadaysanaya Jimcihii oo u taagan qaab u eg-masaajidka Al-nour oo ah mid ka mid ah Labada Masaajid ee Magaalada Christchurch.

Dadkan oo ku lebisan Khamiisyo, Koofiyado iyo Shalmado midabkoodu caddaan yahay, ayaa meel aan ka fogayn halka ay ka sameeyeen Muuqaalka u Eg Masaajidka, waxay sidoo kale ka sameeyeen qoraal Macnahiisu yahay ‘Islaamku waa Nabad’.

 Arrintan oo taageero loogu muujinayo Ehelada dadkii ku dhintay weerarkii 15-kii bishii March ka dhacay New Zealand oo ay ku dhinteen Dad gaadhaya 50 Qof, ayaa waxa soo abaabulay Machad dhiiri-geliya nabadda iyo Xasilloonida Dunida Muslimka.

 

 Horn Cable Tv