Trump Oo Balaadhiyey Hawlgalka Maraykanka Ee Somalia

Somali national army soldiers stand in formation during a logistics course graduation ceremony. Soldiers from Somali???s advanced infantry DANAB battalion spent 14 weeks training with the U.S. 10th Mountain division on the importance of logistical operation as well as the operation and maintenance of heavy equipment. (Photo by MC2 (SW/AW) Evan Parker. Released)

Washington, (HCTV) – Madaxweyne Donald Trump ayaa saxeexay amar lagu balaadhinayo hawlgalka Maraykanku uu ka wado Somalia.

Dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ayaa waxa xudun u noqon doona hawlgalada gaarka ah ee maraykanku uu ka fuliyo Somalia iyo in Ciidamada Somalia loo fidiyo tababaro kor loogu qaadayo si ay awood ugu yeeshaan la dagaalanka kooxda xidhiidhka la leh Al-Qaeda.

Balantan uu u qaaday dalkan ku yaala bariga Afrika ayaa imanaysa kadib markii madaxweynuhu uu sheegay inuu doonayo inuu dhimo ciidamada Maraykanka eek u sugan aduunka iyo in dawladiisu ay wado qorshaha ciidamada lagaga soo saarayo dalka Suuriya.

Mudo hada ku siman laba sanadood ciidamo gaar ah oo tiro yar ayaa loo asteeyey inay la shaqeeyaan milatariga Somalia, iyagoo ka taageeaya dhinaca la dagaalanka Al-shabaab, gaar ahaana weerarada cirka iyo kuwo dhulkaba ay ka qayb qaataan ciidamada NAVY SEAL-ku.

Ciidamada Danab, ayaa hada tiradoodu ay tahay 500 Askari, waxaanay qaadaan hawlgalo tiro yar oo ka dhaca xeebaha dalka, waxaana laga yaabaa in tiradooda la gaadhsiiyo ilaa 3,000 Askari si ay awood ugu yeeshaan inay meesha ka saaraan maleeshiyaadka ku sugan guud ahaan dhulka Somalia oo dhan.

Waaxda Onlineka HCTV