Salaad Roob Doon Ah Oo Laga Oogay Somaliland

Hargeysa, (HCTV) – Salaad Roob doon ah ayaa maanta laga oogay Somaliland, taas oo shacabka ay u dareereen tukashada Salaadaasi oo ay Illaahay kaga baryayeen inuu illaahay roob u shubo.

Dadweynaha Xaafadaha Magaalada Hargeysa ayaa isugu soo baxay Garoomada iyo Masaajidada magaalada Hargeysa si ay illaahay cibaado ugu baryaan inuu roob u shubo.

Somaliland ayay mudadii u dambaysay ay ka jirtay Abaa saamaysay dadka iyo duunyadaba.

Intii tukashada Salaada lagu jiray ayay culimadii dadka tukinaysay ay goobtii ay dadweynuhu isugu soo baxeen uga jeediyey khudbad ku saabsan roob doonta iyo in roob la’aanta ay qayb ka dahay dunuubta dadku galayaan.

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo salaada Roobdoonta dadweynaha Hargaysa kula Tukaday Masjid-Jaamaca weyn ee Hargaysa.

Waaxda Online-ka Ee HCTV