Madaxweyne Biixi Oo Xilka Ka Qaaday Laba Wasiir Iyo Masuuliyiin Kale

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Xilka ka qaaday laba Wasiir oo Xukuumaddiisa ka mid ahaa iyo Masuuliyiin kale, waxaanu Magacaabay beddelkooda.

Sidaana waxa lagu sheegay digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha oo u qornayd sidan:-

WAREEGTO MADAXWEYNE: 14 /04/2019

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-293/042019, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Xil ka Qaadis

Ku: Cawaale Ibraahim Shirwac Looddoon

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

Ku: Axmed Xasan Cigaal Sahal

Safiirka Somaliland u Fadhiya Itoobiya

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen.

Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;  In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

1 Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

2 Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

3 Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

4 Salaan Xasan Kayd Cabdille Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya..”

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.