Faahfaahin: Somaliland Oo Laga Oogay Salaad Roob-doon Ah Iyo Farriinta Cusub Ee Madaxweynaha

Hargeysa (HCTV) – Guud ahaan Gobollada iyo degmooyinka Somaliland, ayaa waxa Maanta oo Axad ah laga oogay Salaad Roob-doon ah.

Salaaddan Roob-doonta ah oo uu Toddobaadkii hore ku dhawaaqay in la Tukanayo Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, ayaa waxa Dadweynuhu ku tukadeen Garoomada kubadda Cagta, Masaajiddada Waaweyn ee Magaalooyinka, waxaana Dadweynaha Salaadda kala qayb-galay Madaxda Gobollada, Degmooyinka iyo Dawladda dhexe.

Tukashada Salaaddan oo Sunne ah ayaa waxa Dadweynuhu Ilaahay ku waydiisanayeen inuu Raxmaadkiisa u shubo, maaddaama oo Roobabkii xilligan oo soo raagay ay inta badan Dalka geliyeen Xaalad adag oo biyo la’aaneed.

Culimada Dadweynaha kala qayb-galay Salaaddaasi ayaa Ilaahay ka baryey inuu Addoomihiisa u Naxariisto oo uu soo Qaboojiyo.

Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi oo Dadweynaha Tukashada Salaadda kagala qayb-galay Masaajid Jaamaca Hargeysa, ayaa Salaadda ka dib u jeediyey khudbad, ayaa yidhi “Abaaraha waxa aynnu kaga bixi karnaa innaga oo isku kalsoonaanna, xooggeena iyo xoolaheenna isku geynna, sidee ayeynu abaarta uga bixi karnaana ku dhaqaaqna, waxa inoo taalla in Biyaha qofba inta uu qaban karno aynnu qabanno oo dawlad, shacab iyo ganacsatoba intaynnu xoog ku qaban karno isugu geynno,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu bulshada ugu baaqay inay maalinta Berri ah oo hore loogu asteeyey inay noqoto maalinta qaran ee dhiraynta ay u diyaar garoobaan sidii uu qof waliba u beeri lahaa Geed cusub si ay dhirtaasi wax uga tarta abaaraha soo noqnoqda “Berrito waxa aan ka codsanayaa dhammaan Somaliland gobollada oo dhan inuu gobol waliba Soddon kun oo Geed beero, qof walibana haddii uu ka badin karayo uu ka badiyo, si aynnu abaar uga baxsano, dhulka ILaahay ina siiyey ee aynu u talinnona xoolo ayeynu ku noolnahay, xoolahaasna waxa aynnu u baahannahay inaynnu dhulka u qaybinno oo meelna aynnu u keydinno wax ku beerno oo aynnu seero ka dhigno oo jiilaalka iyo abaaraha ku baxsadaan, inta kalena aynnu daaqsiinno, waana talo-xumo in dhulkeenna oo ballaadhan aynu xoolaheenna u kala keydsan weynno.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka