Diyaaradda Ugu Weyn Dunida Oo La Tijaabiyey

USA (HCTV) – Diyaaraddii ugu weynayd Dunida ayaa Shalay samaysay duulimaadkeedii u horreeyay oo tijaabo ah.

Diyaaradda ayaa waxa ku rakiban Lix Mishiin, waxayna u muuqaal u eg-tahay laba diyaaradood oo la isku Ribdhay, laakiin waa diyaarad keliya oo si loo weyneeyo oo hagar-baxay.

Tijaabadeeda waxay markii koowaad ka bilowday lama degaanka Mojave ee California ee Dalka Maraykanka Sababtii.

Diyaaraddan oo ay farsamaysay Shirkad lagu Magacaabo Stratolaunch Systems Corp, ayaa hawada ku jirtay in ka badan laba Saacadood, iyadoo Saacaddiiba jartay 304km, iyadoo dhulka ka sarraysey 5,182m.

Waxayna markaa ka dib, si Nabadgalyo u fadhiistay Garoonka Mojave oo ay ka buuxeen boqollaal Qof oo u soo daawasho tagay.

Jean Floyd oo ah Madaxa Shirkadda farsamaysay diyaaradda ee Stratolaunch oo duulimaadkaa diyaaradda ka dib, War qoraal ah soo saaray ayaa sheegay inay isaga iyo Kooxdiisa farxad u tahay inay ku guulaysteen tijaabadoodii koowaad.

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka