Hargeysa: Basas Shaqo Joojin Sameeyey

Hargeysa, (HCTV) – Gaadiidka Basaska ee iskaga kala goosha xaafadaha magaalada Hargeysa ee Maxamed Mooge, Calaamadaha Iyo Jungalka, mana jirto hal bas oo taagan goobtan ay basaska xaafadahaasi ka rakaabsadaan.

Sida uu ku waramay Wariye Xasan Galaydh oo ka tirsan HCTV.

Dhamaan Basaska gaadiidka ee qaada dadweynaha xaafadaha Maxamed Mooge, Calaamadaha iyo Jungalka ayaa maanta sameeyey shaqo joojin, marka laga reebo kuwa u baxa xaafada Jigjiga-Yar.

Basaskan shaqo joojinta sameeyey ayaa sheegay inay ka cabanayaan kala xadayn la’aan loo sameeyey iyaga iyo gaadiidka yaryar ee tagaasida.

Dadweyne farabadan oo adeegsan jiray basaska waaweyn ayaa maanta ku xanibmay Istaamada oo ay ku dhacday bas la’aan, kuwaas oo markii dambe ay qaadayeen dadweynaha Tagaasidu.

Gudoomiyaha Iskaashatada Basaska waaweyn oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay sababta ay shaqada u joojiyeen, waxaanu uu yidhi “Waxaanu lahayn 12 istaan oo istaanka basaska waaweyn ee City Bus ah, 12-ka istaanba shaqadii way istaajiyeen, waxaanu u istaajinay arimo nabadgalyo daraadeed, arimahaasi nabadgalyada waxa ka mid ah kala xadayn la’aan baahsan oo dhextaala Basaskii iyo Preboxtii iyo caasiyadii, waxa kale oo jirta istaan Alaale iyo istaan aanu ka baxno ma jiro, halkii basasku ka bixi lahaayeen waxa nagu qabsanaya bir iyo ururkii basasku lahaayeen oo kala awood badan. Birtii laga taagay meesha ayaan cidina naga qaadayn. Istaamadii aanu ka bixilayn ma jiraan oo maalin walba waxa aanu taaganahay wado oo wado ayaanu ka baxnaa, waxyaabahaas oo dhan ayaanu ka cabanay.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Iskaashatada Basaska, waxaanu intaasi ku daray “Dawladda Hoose ayaanu uga cabanay, dawladii hoose wax way noo dhaqaajisay oo waxay noo dhaqaajisay xagii kala xadaynta tagaasidii iyo basaska.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Iskaashatada Basasku.

Dadweynaha iyaguna isticmaala basaska waaweyn ayaa iyaguna sidoo kale ka hadlay siday u arkaan shaqo joojinta ay maanta sameeyeen Iskaashatada Basasku “Prambox-ka inta badan waxa raaca shacabka boqolkiiba labaatan nin dukaanle, nin alaab leh iyo nin dan leh, boqolkiiba sideetan dadweynuhu waxay raacaan Basaska waaweyn.

Anigu waxaan leeyahay Basasku si way ku khaldan yihiin maadaama oo boqolkiiba 80 ay bulshadu raacayaan in boqolkiiba 20-kan pramboxka raacaya inay arkaan maaha.” Ayuu yidhi mid ka mid ah dadweynaha Caasimada Hargeysa.

Waaxda Onlineka Ee HCTV