Somaliland: Xabaal-wadareedyo Cusub Oo Laga Helay Hargeysa (Akhri)

Hargeysa (HCTV) – Guddiga baadhitaanka xasuuq lagu eedeeyo inay Dawladdii Maxamed Siyaad Barre ka geysatay Somaliland, Sanadihii siddeetamaadkii, ayaa Maanta sheegay inay Magaalada Hargeysa ka heleen laba Xabaal-wadareed, kuwaasi oo lagu aasay Dad ay laayeen Milletarigii Soomaaliya xilligaasi.

Shir-jaraa’id oo Hoggaanka Guddiga baadhitaanka Xasuuqaasi u qaabilsan Somaliland ay ku qabteen Magaalada Hargeysa Maanta, ayay ku sheegeen  inay Xaafadda 150-ka ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa oo ay baadhitaan ka wadeen inay ka heleen laba Xabaal-wadareed.

Agaasimaha Guddiga baadhitaanka ee Somaliland, Axmed Ismaaciil Cali (Axmed-kayse) oo ugu horrayn Shirka jaraa’id ka hadlay ayaa faahfaahiyey Xabaalaha ay heleen, waxaanu yidhi “Baadhitaankii Xasuuqa ayaanu wadnaa, 4-tii bishan waxaanu Xaafadda 150-ka ee Hargeysa ka helnay laba Xabaal-wadareed, labada Xabaal-wadareed waxa aad badan (Dadka ku aasan badan yihiin) ta Beerta ilma Dhamac, waxaanu Tacsiyadaynaynaa Dadka Dadkoodii halkaa lagu laayey ee Imika Lafahoodii hortooda dib loogu soo saarayo..”

Agaasimuhu wuxuu sheegay in marka dibedda loo soo saaro Lafaha Dadka Xabaal-wadareedyadaa ku aasan loo samayn doonaa Aas-Qaran “Dadkaa si wanaagsan baa loo aasi doonaa marka Lafahooda la soo saaro, waxaana loo samayn doonaa Aas Qaran..”ayuu yidhi, Axmed-kayse

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Guddigaasi, Khadar Axmed Like oo isaguna ka hadlay ayaa Tacsi u diray Dawladda Dalka Ruwanda oo Toddobaadkii u dambeeyay ku mashquulsanayd Baroor-diiq loo samaynayo Dad ka badan 800.000 oo lagu dilay Xasuuqii Dalkaasi ka dhacay, 1994-kii.

Mr. Like wuxuu hambalyeeyay Safiirka Somaliland ee Kenya, Baashe Cawil Cumar oo Baroor-diiqdaa ka qayb-galay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka