Somaliland Oo Soo Saartay Go’aan Dan U Ah Dadka U Kala Socdaala Muqdisho & Hargeysa

Hargeysa (HCTV) – Laanta socdaalka ee Somaliland ayaa ka noqotay Go’aan ay hore u soo saartay oo ahaa inaan Dad bilaa Baasaaboor ah oo ka socda Soomaaliya ay ka soo degaan Madaarka diyaaradaha ee Hargeysa, sidoo kalena Baasaboor la’aan kaga dhoofaan.

Laanta socdaalka Somaliland ayaa Bishii Aprill ee Sannadkii hore soo saartay Go’aan ah inaan Dadka reer Soomaaliya ee sita Waraaqaha loo yaqaanno ‘Go Home’ aanay ka soo degin Madaarka Hargeysa, kagana dhoofi karin, balse Go’aankaasi ayaa Laanta Socdaalku ka noqotay Toddobaadkan, waxaana fulinta Go’aanka dambe uu bilaabmay maanta, kaasi oo ah in Warqaddii ‘Go Home’ sideedii hore u shaqayn doonto, sida uu Telefiishanka Horn Cable u sheegay Sarkaal ka mid ah Laanta Socdaalka.

Go’aankan ayaa Laanta Socdaalka ee Somaliland ka noqotay, ka dib markii ay Dadweynaha dhib ku noqotay isla-markaana badankoodu ay Safar dhinaca Dhulka ah u mareen Magaalada Garoowe si ay uga sii dhoofaan, taasi oo dabcan la timid dhaqaale xumo soo waajahday Madaarka Hargeysa.

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka