Somaliland: Dollarka Oo Jabay Iyo Maceeshadda Oo Qaali Ah

Hargeysa (HCTV) – Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland, ayaa Ganacsatada Dalka ka codsatay inay is waafajiyaan Qiimaha Sarrifka dollarka oo Jabay iyo Qiimaha Ascaarta Quutal-daruuriga ah.

Dadweynaha reer Somaliland ayaa Maalmihii u dambeeyay ka cabanayey in dollarkii uu Qiimihiisu jabay, aanay waxba iska beddelin Qiimaha Ascaarta Quutal-daruuriga ah, sidaa darteed ayaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsigu farriin ugu dirtay Ganacsatada.

Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi, Mustafe Maxamuud Cali (Bile) oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa ayaa yidhi “Sidaynu ognahay Qiimihii Sarrifka Dollarku wuu jabay, intuu ahaana in badan buu ka hoos-maray, waxaynu ognahay in marka Dollarku kor u kaco in Qiimaha Ascaartuna kor u kacdo, iyadoo Ganacsatadu ku andacoonaysa waxa kacay Dollarkii, markaana Ascaartu kor bay u kacaysaa, markaa waxa lagama maarmaan ah marka dollarku jabo in qiimaha Ascaartuna hoos u noqoto.”

Agaasimuhu wuxuu sheegay “Sarrifka dollarku wuxuu marayaa 1-ka dollar 8800 boqol shilin, laakiin Qiimaha Ascaartu waxay marayaan halkii ahayd markii Halka dollar qiimihiisu ahaa 11-ka kun ee shilin..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inay ogaadeen in Qiimaha Ascaarta aanay waxba iska beddelin markii dollarku jabay “Koox baanu suuqa gelinay, Saddexdii Maalmood ee u dambeeyayna waxaanu wadnay Deraasad, hal shay oo Qiimihiisu hoos u dhacay Ascaarta ma jiro, sidaa darteed, waxaanu Ganacsatada ka codsanaynaa inay is-waafajiyaan Sicirka Dollarka iyo Sicirka Ascaarta.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka