Roobabkii Gu’ga Oo Ka Curtay Somaliland

Wajaale, (HCTV) – Roobabkii Guga ayaa maalintii shalay iyo maantaba si balaadhan uga curtay Somaliland, kaas oo shacabka ku dhaqan deegaamada ay roobabku ka curteen ay aad ugu diirsadeen curashadaasi roobabka.

Roobabkan gu’ga ayaa ka da’ay maalintii shalay Magaalada Ceerigaabo,iyo qaybo ka mid ah magaalada Hargeysa, halka maantana uu si fiican uga da’ay magaalo xuduudeeda Wajaale ee Somaliland.

Waxaana magaalooyin farabadan oo ka tirsan Somaliland laga dareemayaa daruuraha roobka oo dul hoganaya, waxaana la filayaa in daruuruha tusan ay ku hooraan magaalooyin badan oo Somaliland ah saacadaha soo socda hadii alle idmo.

Maalintii ayay ahayd markii shacabka ku dhaqan Somaliland ay isugu soo baxeen tukashada salaada roob doonta oo ay kala qaybgaleen Madaxweynaha Somaliland iyo masuuliyiin ka tirsan Xukuumadu.

Waaxda Online-ka HCTV