ARRIN XUMO ABAAR KA DARAN!

Posted by

 

 

Sannadkan aynu ku jirno horraantiisii bay ahayd, markii dalka ay ka dhacday abaarta baahsan ee dad iyo duunyo lagu leeday. Dhacdo dhammaan shacabka qalbiyadooda gilgishay bay ahayd oo qof waliba halkiisi gurmad wixii uu karaayey uga dhaqaaqay. Si weynna waa loogu guulaystay in xoog iyo xoolo la mideeyo. Dhacdadaasna ducada Ilaahay iyo gargaarka Rabbi ka sokow, si xarrago leh oo walaalnimo iyo wada-dhalasho ku jirto ayaa shacabku iskaga garabsaday .

Alle markii uu abaartii innaga soo jabiyey ducadeennii na aqbalay, muddo yar gudaheed waxaynu goob joog u ahayn innaga oo ka cabannay in daadkii dooxyada dalka kula tagay dad iyo duunyo. Sidii caadada innoo ahayd biyihii Ilaahay innoogu deeqay siday u qulqulayeen waxay markale ku biyo shubatay xaaladii guud ee dalkeenna iyo dadkeennu in abaar baahsani markale ku habsato oo qayla dhaantu dhan kasta u dhacdo. Bal se nasiib darro ummaddaydu way moogtahay ee waxa haysata arrin ka daran abaarta oo ah dalkan oo aan lahaynba qorshe horumarineed. Intii hoggaanka u haysay iyo indheer garadkeedina ku fooggan yihiin danahooda gaarka ah.

Muwaaddin bal u fiirso, dhacdooyinka hareerahaaga ka dhacaya xiliga abaarta dadkeennu la il-daran yihiin, dalkeenna waxa ka jira wasaaradda xannaanada xoolaha, wasaaradda deegaanka, wasaaradda beeraha iyo wasaaradda biyaha.

Intaas oo hay’adood oo dawli ah waxa magacyada kala duwan loogu kala bixiyey waxay ku soo ururaan daryeelka deegaanka iyo duunyada. Balse nasiibdarro, guud ahaan hoggaanka qarankani, wuu ku guul darraystay in ummaddan danahooda guud ay daryeelaan qorshe cad na u sameeyaan horumarinta adeegyadiisa bulsho. Halka ay kaga foogan yihiin xaraashka dhulkii danta guud, lunsiga dhaqaalihii dadka cashuurtooda laga ururiyey iyo buuxsashada akownnada gaarka ah ee gunta ka daloola. Way kari waayeen in maankoodu keeno sidii dadkan loogu samayn lahaa biyo xidheenno, dhul-daaqsimeedyo dawladdu maammusho iyo daryeel guud loogu fidiyo xoolaha dalka. Maadaama laf dhabarta dhaqaale ee dalku tahay xoolaha nool. Haddii ay ka dhaariyeen shacabka in ay wax ugu qabtaan dhaqaalihii iyaga laga soo uruuriyey, maankoodu xataa wuu keeni waayey in dawladaha carabta iyo caalamka kale ee marka abaartu dhacdo ay ummadda uga soo qaadhaaman cunto saacado calooshooda kaga baxaysa, in ay ka codsadaan in wax lagala qabto sidii ummaddan looga saari lahaa baahida joogtada ah ee aan Alle badin. Taas beddelkeeda waxay ku fooggan yihiin ololeyaal iyo danahooda gaarka ah in ay ka dhex fushadaan umaddaas abaaruhu aafeeyeen.

isku soo wada xoori oo dalkan iyo dadkiisa waxa loogu dawgalay madax aan tooda mooyaan e, tu kale eegin. Haddaba shacab ahaan waxa innala gudboon in aynnu u tafo-xaydanno sidii aynu uga tashan lahayn in sannad kasta abaar iyo eedaad aan ilaahay inna badin dadkeenna ragaadiyaan. Masuuliyiinta umaddani u cumaamadday iyaga waxaan leeyahay Ilaahay xaqiisa wuu dhaafa se dulmiga iyo dayaca dadkiisa la bado ma dhaafo e, taas maanka ku haya.

W/Q: Hoodo-Ayaan Suldaan Aadan Faarax

Leave a Reply

%d bloggers like this: