Pakistan: Madarasad Soo Saartay Hal Milyan Oo Xaafidul Qur’aan

Pakistan (HCTV) – Madarasad ku taalla Dalka Pakistan ayaa ku guulaysatay in jebiso Rikoodhka Madaariista lagu dhigo Qur’aanka Kariimka ee Xufaadda ugu badan soo saaray.

Madarrasaddan oo Magaceedu yahay Wafaq ayaa soo saartay Hal Milyan oo Qof oo Xifdiyey Qur’aanka Kariimka ah, sida uu sheegay Xoghayaha guud ee Madarrasaddaasi  Qari Hafeez Jalandhari.

Sannadkan 2019-ka ayaa waxa Madarrasaddaa Qur’aanka ku Xiftiyey 78,000 Arday, kuwaasi oo 14,000 oo ka mid ahi Hablo yihiin “Sannadka 2019-ka, In ka badan 78,000 arday ayaa xiftiyey Qur’aanka Kariimka ah, kuwaasi 14000 ka mid ahi ay hablo yihiin..” ayuu xoghayuhu, isagoo intaa ku daray in Carruurta loogu keeno Da’da 4 Sano jirka, iyaguna ku dedaalaan inay muddo 2 sannadood ah Qur’aanka ku xifdisiiyaan.

Xoghayaha Madarrasaddaasi waxa kale oo Waraysi uu siiyey theislamicinformation.com isku barbar-dhigay faraqa u dhexeeya Tirada Xufaadda uu soo saaro Sucuudiga iyo kuwa ay soo saarto Pakistan, waxaanu sheegay in Sucuudigu uu sannadkiiba soo saaro 5 kun oo Xaafid.

Xoghayaha Madarrasaddaasi waxa kale oo Waraysi uu siiyey theislamicinformation.com isku barbar-dhigay faraqa u dhexeeya Tirada Xufaadda uu soo saaro Sucuudiga iyo kuwa ay soo saarto Pakistan, waxaanu sheegay in Sucuudigu uu sannadkiiba soo saaro 5 kun oo Xaafid, halka buu yidhi, Madarasaddoodu illaa 1982-kii soo saartay Hal Milyan oo Xaafidul Qur’aan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka