Trump Oo Weerarkii Ugu Cuslaa Ku Qaaday Ilhaan Cumar

USA (HCTV) – Madaxweynaha Maraykanka, Doland Trump ayaa sidii wada dagaalka dhanka Warbaahinta ah ee uu ku hayo Ilhaan Cumar oo ah Xildhibaanad Asal ka soo jeeda Soomaali oo ka mid Aqalka Baarlamaanka Maraykanka.

Madaxweyne Trump iyo Ilhaan Cumar ayaa isaga seegay Bil ka hor, ka dib markii Ilhaan Cumar ay Cambaaraysay Dawladda Isreal oo ay ku eedaysay inay dhibaato xoog leh ka waddo dhulka Falastiiniyiinta, laakiin Madaxweynaha Maraykanka oo Dawladda Isreal taageera ayaa arrintaasi ka cadhooday isla-markaana hadalkii Ilhaan ku sheegay inuu ahaa ‘Yuhuud nacayb’, taasi oo keentay in Bulshada Yuhuuddu ay ka soo horjeedsadaan, qaarkoodna hanjabaado u soo diraan.

Laakiin, Weerarkii ugu cuslaa ee uu Trump ku qaadday Ilhaan ayaa ahaa Maanta, ka dib markii uu Twitter-kiisa ku baahiyey Xarunta Ganacsiga Adduunka ee Dumaysa, sannadkii 2001-kii, ka dib markii diyaarado lagu qarxiyey iyo Ilhaan Cumar oo olole dhaqaale ugu jirta Ururka Muslimiinta Maraykanka, isagoo ku soo dul-qoray ‘Weligayo Ma Iloobo doono..’

Muuqaalka uu baahiyey Madaxweynaha Maraykanku oo ay daawadeen dad ka badan 10 Milyan oo Qof, ayaa intii ka dambaysay waxay Ilhaan sheegtay in dil loogu hanjabay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka