“Lama Oga Biyaha Ku Jira Geed-deeble..” Madaxweyne Biixi

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in aanay Dawlad ahaan hubin biyaha ku kaydsan Deegaanka Geed-deeble ee laga Waraabiyo magaalada Hargeysa, sidaa darteedna loo baahan yahay in reer Hargeysa isku tagaan oo ay Biyaha Roobka ee Badda galaya qabsadaan.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in aanay macquul ahayn in Dadka Hargeysa oo xilligan ka badan Hal Milyan ay isku halleeyaan Biyo soo-saarka geed-deeble ee ay isku diyaariyaan biyo kale la hel  “Macquul maaha, Hargeysa oo Milyan Qof maraysa (Dadka ku nool) in Geed-deeble oo aan la ogayn biyaha ku jira, intay soo saartana aynu Qasabado waaweyn u samaysanay, inta soconayaan garan mayno, markaa waa inaynu biyo badan qabanayaa oo aynu xooggeena ku tashanaa iyo xoolaheena..”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Shacabka Hargeysa ay Biyo badan qabsan karaan hadday isku tashadaan “Hargeysa biyo way qabsan kartaa iyadoon Cidna u qayshan, markaa haddaanu Madaxdii nahay waxaanu codsanaynaa aynu isugu tagno, tilmaantaa aynu qaadano, weliba Mushtamaca Hargeysa deggani ha hoggaamiyo.”

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inaan shacabku aaminsanayn Madaxda Dawladda, sidaa darteed hadday diyaar u yihiin ay iyagu Maamulaan dhaqaalaha biyaha lagu qabanayo “Shaki baa laga qabaa Dawladaha oo waxbay halleeyaan baa la is yidhaahdaaye, Hargeysa intay isu tagto oo ay dhaqaalaha ururriso oo ay ta Dawladdana ku darto, Dadkii aqoonta lahaana aynu keeno aynu Caqligeena iyo Muruqqeena aynu biyaha ku joojino.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in aanay Hay’adaha Dunida Caawiyaa aanay waxba tarayn hadday Somaliland “Hay’adahoow na soo gaadha waxba tari mayso, waa Dad inala mid ah oo aynaan isku Diin ahayn, Xoolaha aynu qaadano ee Sadaqada ah waxa laga soo ururriyaa Kiniisado, Ilaahayna Gaalo barya inama odhanin, inaga oo Caqligeena qabna..”

Hadalka Madaxweynaha ee ah in aanay Dawlad ahaan hubin Kaydka biyaha ee deegaanka Geed-deeble ee ay ka qodan yihiin Ceelasha Biyaha ku jira, ayaa imanaya xilli muddo 7 Sannadood ah la  waday dhuumo waaweyn oo biyo dheeraad lagaga soo jiidayo Geed-deeble isla-markaana lagu soo gaadhsiinayo Hargeysa, hawshaasi oo ay ku baxday lacag ka badan 30 Milyan oo Euro oo Midowga Yurub uu ku deeqay, taasi oo ay dheer tahay Malaayiin dollar oo gudaha Caasimadda lagaga samaynayo sahan, si looga beddelo qaabkii hore ee Qasabaduhu ugu kala gudbayeen Degmooyinka Magaalada, maaddaama oo biyo ballaadhan la samaynayo, waxaana lacagtaasi Somaliland ugu deeqay Dawladda Jarmalka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka