Xidhiidhka Cusub Ee Soomaaliya Iyo Ruushka

Moscow (HCTV) – Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo Safar ku jooga Ruushka, ayaa Maanta la kulmay Dhiggiisa Dalkaasi Sergey Lavrov.

Sidaana waxa lagu sheegay War Qoraal ah Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Soomaaliya ka soo gaadhay Telefiishanka Horn Cable, kaasi oo lagu faahfaahiyey waxyaabihii ay ka  wada-hadleen Wasiirrada Arrimaha dibedda ee Ruushka iyo Soomaaliya.

Warka Qoraalka ayaa lagu yidhi “Intii lagu gudo jiray kulanka, waxa ay ka wada-hadleen siyaabaha lagu xoojin karo xidhiidhka laba geesoodka iyo iskaashiga, sidoo kale waxa ay isla eegeen dhowr arrimood oo heer gobol iyo caalami ah oo walaac leh.

Mudane Danjire Axmed Cawad waxa uu uga mahadnaqay Ruushka is garab taaggiisa Soomaaliya fagaarayaasha caalamiga, isaga oo ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay horumarinta xidhiidhka labada dal iyo taabagelinta heshiisyada wax wadaag ee heerarka kala duwan leh.  Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa gaadhay duhurnimadii maanta Magaalada Moscow si uu uga qeybgalo Shirka heer Wasiir arrimo dibadeed ee meertada shanaad ee Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Carabta oo furmi doona beri oo Salaaso ah (16 April).

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka