Ethiopia Oo Heshiis $20 Milyan Oo Dayn Ah La Gashay Bangi Carab Ah

Washington, (HCTV) – Dawlada Ethiopia ayaa heshiis $20 milyan oo dayn ah la saxeexatay baniga Arab Bank ee horumarinta dhaqaalaha Afrika ka shaqeeya (Arab Bank for Economic Development in Afrika.

Heshiiskan ayay labada dhinac ku galeen qaybta 5th-aad ee Banigaga Aduunka Iyo Hay’adda Lacagta Aduunka ee MIF-ta kadib markii ay kulan ku yeesheen magaalada Washington DC.

Waxaana dawladda Ethiopia lacagta dayntan ay u isticmaali doontaa in lagu maalgaliyo mashruuca jidka mara magaalooyinka  Dilla-Bulle-Haro Wachu, kaas oo ay markii hore maalgalinaysay shirkadda OPEC ee horumarinta caalamiga ah.

Sida ay xaqiijisay Wasaarada Maaliyada ee dalka Ethiopia oo heshiiskaasi la saxeexatay Banigaasi, waxaana ka mid ah masuuliyiintii dhinaca Ethiopia heshiiskaasi u saxeexday Wasiirka Maaliyada ee dalka Ethiopia Axmed Shide.

Waaxda Online-ka Ee HCTV