Afrika: Qiimaha Uu Joogo Labiska Ina Trump Oo Wax La’ Iska-weydiiyey

Addis Ababa, (HCTV) – Inanta koowaad ee dalka Maraykanka oo uu dhalay Madaxweynaha dalkaasi Ivanka Donld Trump ayaa socdaal ku joogta dalka Ethiopia.

Taas oo ujeedada safarkeeda afarta maalmood qaadana ay tahay sidii ay dhiirigalin fursadaha dhaqaalaha ah ugu samayn lahayd haweenka ku sugan dalalka soo koraya.

Gabadhan uu dhalay Madaxweynaha dalka Maraykanka ee Ivanka Trump ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ku sugan dalka Ethiopia, waxaanay intii ay halkaasi joogtay ay ka qaybgashay shirar lagaga hadlayey ganacsiga yaryar ee haweenka iyo sidii haweenka kor loogu qaadi lahaa.

Waxaanay Ivanka booqatay goobo ganacsi oo ay haweenku dharka ku tolaan supermarket-yo iyo Kiniisada dalkaasi oo ay uga soo ducaysay dadkii ku waxyeeloobay diyaaradii Ethiopian Airlines.

Hase yeeshee qaar ka mid ah warbaahinta Caalamka ayaa faaqiday isla markaana ku mashquulay qiimaha uu joogo labiska ay xidhan tahay gabadha uu dhalay Madaxweynuhu ee socdaalka ku joogta dalka Afrika ku yaala ee Ethiopia.

Waxaana lagu qiimeeyey in Ina-trump labiskeeda qiimihiisu uu gaadhayo 1,655 isu-geyn, waxaana qorshaysnaa in Ivanka Trump ay sidoo kale socdaal ku tago dalka Ivory Coast.

Si kastaba ha ahaatee maaha markii ugu horaysay ee qof ka tirsan qoyska Madaxweyne Trump uu socdaal ku yimaado Afrika, isla markaana la faaqido qiimaha uu joogo labiska ay ku tagaan dalalka Afrika.

Mudo hada laga joogo 6 bilood ayay ahayd markii Marwada koowaad ee dalka Maraykanka Melina Trump oo Aayo Aabana u ah gabadhan Ivanka Trump ee ay socdaalka ku tagtay Afar dal oo ka mid ah qaarada Afrika.

Waxaana xiligaasi labiska Marwada koowaad ee dalka Maraykanku ay ku tagtay Afrika lagu qiimeeyey lacag gaadhaysa 2000 dollarka Maraykanka Ah.

Waaxda Online-ka Ee HCTV