Xisbiga WADDANI Oo Xukuumadda Dhaliilo U Xambaariyey

Hargeysa, (HCTV) – Afhayeenka xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batuun ayaa xukuumada Somaliland ku dhaliilay kor u kaca maceeshada iyo waxyaalaha daruuriga ah ee nolosha dadka lagama maarmaanka u ah.

Waxaanu Afhayeenka xisbiga Waddani uu tilmaamay in dawladu aanay shacabka waxba kaga tarin dhinaca Adeegyada Aasaasiga ah ee bulshada ay uga baahan yihiin xukuumada.

Sida uu Afhayeenka xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun uu ku sheegay shir-jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa muuqata in sicirkii maceeshadu uu halkiisa taagan yahay, lacagtii dollarkuna ay hoos u dhacday, taasi waxa ay saamayn ku yeelatay marka maceeshada laga yimaado, muwaadiniintu adeegyadii ay haysteen ee ahayd gaadiidkii dadweynaha, in qofka muwaadinka ah ee dakhligiisu yaryahay ee aan gaadhi gaar ah kiraysan karayn ee baska labada kun ah raacayey inuu ku qaalyoobo oo ay saamayso shidaalkii, in dugsiyadii gaarka ahaa ee wax laga baranayey ay saamayso, inay saamayso biyihii booyaduhu dhaaminayeen.

Markaa dawladdnimadeena adeega aasaasiga ah ee bulshada haday biyo bilaash ah tahay lamaga helo, haday wadooyin tahay lagama helo, haday gaadiidak public transportion-ka ah ay tahayna dalkeena lagama helo iyagoo bilaash ah. Ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batuun.

HORN CABLE TV.